
Waxa marti inoogu ah toddobaadkan barnaamijka Dr. Saadiq Enow. Digtoorku waxa uu aragtidiisa falanqayn kooban ku samayn doonaa jawaabta su'aasha ah: aqoonyahanka soomaaliyeed kaalintiisii bulsho ma gutay mise?
May 28, 2021
30 min

Episode-kan waxa noo gu marti ah Dr. Maxamuud Cali Geeldoon oo inoo ga warramaya doorka Aqoonyahanka iyo bulshada. Waxa uu ka hadlayaa sida aqoonyahanka soomaaliyeed halkii ay ka hoggaamin lahaayeen bulshada iyagii odayaal qabiil iyo shakhsiyaad macne liitaa u hoggaamiyeen. Gebogabada waxa uu dhalinyarada soomaaliyeed u soo jeedinayaa talooyin ay tahay in ay guntadaan si bulshada loo samatabixin lahaa.
May 17, 2021
23 min

Waxa inoo gu casuumman xalqaddan 4aad Garyaqaan Guuleed Dafac. Waxa aannu ka ga hadlaynaa qaabka uu u dhisan yahay Booliiska Soomaaliland iyo galdaloolooyinka jira. Sidoo kale dibuhabaynta Booliisku u baahan yahay iyo qaabdhismeedka booliis ee dal dimuquraaddi ah inuu yeesho ay tahay baanu isla eegaynaa. Waxa uu Guuleed ka ga hadlayaa sababaha loo hortaagan yahay dibuhabayn la gu sameeyo booliiska.
May 8, 2021
27 min

Qoraa Faarax Maxamuud oo ku caan ah Sheeko-Xariiro oo noogu casuuman episode-kan waxa uu si guud u ga hadlayaa qoraalka iyo qoraaga iyo doorka qoraagu ku lee yahay bulshada.
Apr 25, 2021
33 min

Episode-kan waxa uu Dr. Maxamuud Cali Geeldoon ku falanqaynayaa bulshooyinka reer guuraaga ah iyo Dawladnimada.
Mar 27, 2021
40 min

Dawladnimada waxa saldhig u ah sharci. Xalqaddan waxa Garyaqaan Mubaarig cabdi ka warramayaa "Dimuquraadiyadda iyo u hoggaansanka iyo ilaalinta sharciga." Sidoo kale waxa aannu ku eegaynaa Soomaaliland iyo heerka ilaalinta sharciga iyo u hoggaansankiisa.
Mar 12, 2021
30 min
