Reer Guuraa
Reer Guuraa
Muna iyo Shukri
Hadafka aanu ka leenahay Podcast-kan Reer Guura, waxaa weeye in aanu dhisno oo xoojino shaqsiyada qofka muslimka ah ee soomaaliga ah. Waxaanu ku soo qaadan doona mawduucyo kala duwan oo khuseeya bulshada soomaaliyeed. Mawduucyadaas oo aanu rajaynayno in ay ku raad reebaan dhagaystayaasha ku taxan Podcast-kan. Hadii ay jiraan wax talo iyo tusaale ah oo aad nagu soo kordhin karto, aad ayaanu usoo dhawaynaynaa, ee fadlan, nagala soo xidhiidh ciwaanada aanu ku leenahay baraha bulshada.
Qaybtii 2-aad ee qisadii Fa’iza Sharif
Waa qaybtii labaad ee qisadii Fa'iza. 
Apr 21, 2022
55 min
Qisadii Fa’iza Sharif  (qaybtii 1-aad)
Qaybtan waxaannu ku soo qaaddanaynaa qisada Fa'iza Shariif. Fai'za waxay ku soo kortay xarun lagu xanaanayn jiray caruurta aan waalidka lahayn ama qoysaskoodu yihiin faqiirka, dagaaladii sokeeye ee Somalia ka hor. Waxay innala wadaagaysa noloshu sidday ahayd berrigaas, iyo saamaynta burburkii Somalia ku reebay nolosheeda.
Feb 25, 2022
44 min
Yaa saaxiib laga dhigan karaa?
Qaybtan waxaa marti noogu ah Farxiya Cabdi & Fartuun Cabdi. Waxaanu kaaga hadlaynaa saaxibtinamada iyo muhiimada ay leedahay in uu qofku yeesho saaxiib wacan, iyo dhibaatada uu saaxiibka xumi keeno karo.
Dec 15, 2021
51 min
Maxaa sababi kara, in qofka muslimka ah , uu diinta shaki ka galo ?
Qaybtan waxaa marti noogu ah Sheekh Mustafe (Abu Rowdah), oo ka mid ah sheekhiinta ugu caansan Denmark. Waa sheekha iyo imamka magaalada Aalborg, Denmark.  Sheekha waxaanu waydiinay su'aalo ka mid ah, su'aalaha ay na soo waydiiyeen dhagaystayaashu. 
Nov 12, 2021
55 min
Qofkii doonaaya in uu hadafkiisa/riyadiisa ka dhabeeyo, maxaa looga baahanyahay?
Qaybtan waxaa marti noogu ah Mushtaaq. Musthaaq waxay jeceshahay in ay dadka dhiiri galiso, si ay riyadooda ama hadafkooda nolosha ugu midho dhalinyaan. Waxay qaybtan inala wadaagi doontaa, waxyaalaha looga baahanyahay qofka doonaayaa in uu ka gun gaadho hadafkiisa. 
Oct 15, 2021
37 min
”Wax walba waan haystaa, noloshana waan nacay”
Qaybtan waxaanu idinla wadaagaynaa talooyin ay na soo waydiisteen dhagaystayaashu. Waxaanu kaga hadlaynaa sababaha keeni kara, in uu qofku dawo raadsan waayo, marka ay haleelaan xanuunada maskaxda ku dhaca. 
Oct 1, 2021
40 min
Dhibta iyo dheefta baraha bulshada
Qaybtan waxaanu kaga hadlaynaa dhibta iyo dheefta ay leeyihiin baraha bulshadu. Waxaa marti noogu ah Nashaad Cabdisalam iyo Fartuun Cabdiraxman. 
Sep 3, 2021
56 min
Zaylaci Academy
Qaybtan waxaanu ku warsanaynaa gudoomiyaha Zaylaci Academy Ahmed/Sokor. Wuxuu faahfaahin ka bixinayaa sababta loo asaasay ZA iyo habka uu u dhisanyahay. 
Aug 14, 2021
30 min
Maxaad ka aaminsantahay feminism ?
Qaybtan waxaanu ka doodaynaa fikirka "feminism", iyo waxa uu ku dhisanyahay, waxaana marti nooga ah Istahil iyo Fartuun. 
Jun 21, 2021
1 hr
Waligaa ma is waydiisay ra'iyaga aad aaminsanatahay xagga aad ka keentay?
Qaybtan waxaa marti noogu ah Maxamed Kaafi Yaasiin, waxa aanu kaga hadlaynaa ra'iyiga aynu aaminsanahay xagga aynu ka keeno iyo saamaynta ay inagu leedahay marba bulshada aynu ku dhex noolnahay.
Jun 4, 2021
30 min
Load more