Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
Nazreen Zallah
Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka.podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona. Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena,  si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay,  nafteenuna raali ku tahay. "Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".
2023 dabiicadahan nabad galyee | shakhsiyada daciifka ah. ضعف الشخصية
Xalqadan waxa aan kaga hadlay 9 dhaqan ama 9 dabiicadood oo aynu yeelan karno, isla markaana aynu ku yeelan karno qofnimo jilicsan, daciifnimo shakhsiyadeed iyo nugayl qofnimo.Waxaan rajaynayaa in ay wacyi kugu dari doonto, sidoo kale wax kugu biirin doonto.Mahadsanidin.💛🧡
Dec 4, 2023
35 min
3 shay oo kaa caawin doona inaad dareenkaaga fahanto | maamulka dareemada.
Xalqadan  waxa aan kaga hadlay Maamulka, maaraynta la dhaqanka iyo fahmida dareemada. Waxa aan kaga hadlay 3 shay oo kaa caawin doona inaad fahanto dareenkaaga, inaad la dhaqanto waxa aad dareemayso sidoo kalena aad maamusho.Fahamka dareenkaagu waxa uu kaa caawin doonaa in aad noolaato nolol aad la dhaqmi karayso naftaada, noloshaada iyo noolaan-shiyahaaga.
Nov 25, 2023
30 min
Jacaylka caqliga, jacaylka qalbiga iyo jacaylka isu miisaaman | ogaalka quseeya jacaylka Q2
Xalqadan waxa aan kaga hadlay 3 ka mid noocyada ay dadku isu jeclaadaan, oo kala ah jacaylka caqliga, jacaylka qalbiga iyo jacaylka isu miisaaman ee ah jacaylka ruuxda.Waxa aan kaga hadlay dadka caqliga iska jeclaada sifooyinkooda, dadka qalbiga iska jeclaada sifooyinkooda iyo dhibaatooyinka ay kala dhaxlaan mudada wada xidhiidhkooda, haday waalid yihiin, haday saaxibada yihiin, haday dadka guurka wadaagaya yihiin iyo haday dadka haasaawaya yihiinba.Waxa kaloon kaga hadlay marxalada jacayl ee isu miisaaman sida loo gaadhi karayo. 
Nov 17, 2023
43 min
Ogaalka quseeya jacaylka!!, waa maxay jacaylku? Muhiimada jacaylka.
Xalqadan waxa aan kaga hadlay wacyiga caamka ah ee ku aadan aragtideena dhanka jacaylka, ka bulsho ahaan. waxa aan kaga hadlay muhiimada jacaylka iyo sida guud waxa uu jacaylku yahay.Xalqadan xalqada xigta waxa aan idinkula wadaagi doonaa 3 nooc oo aynu jacaylka u dareeno, isu jeclaano ama dadku ay isu jeclaadaan. Waxa aan idinkula wadaagi doonaa kala duwanaan-shiyaha jacaylka iyo iinsaanku sida uu ukala dareemo aniga oo adeegsanaya maraaxisha wacyiga iyo qofka.
Nov 7, 2023
18 min
5 wax oo kuu fududeyn doona in aad naftaada barato.| muhiimada is-barashada.|know thyself|
Xalqadani waxa ay ka hadlaysaa;Fahamka guud ee is barashada, muhiimada ay leedahay is barashadu ama muhiimada ay qofka uleedahay in uu is bartaa, waxa kale oo aan kaga hadlay 5 wax oo samayntooda iyo yeelidoodu ay kuu fududayn doonto in aad naftaada barato hadii aad dabaqdo.way ka badan-yihiin laakiin 5 ayaan u arkaa in ay aasaas u tahay kolka aad doonayso in aad naftaada wax ka barato.
Oct 29, 2023
28 min
Waa maxay sababta aad dareen ahaan u daalan-tahay? | Emotional exhaustion |
Xalqadani waxa ay kaa caawin doontaa in aad fahanto sababta aad maskax ahaan ama dareen ahaan u daalan-tahay.
Oct 20, 2023
29 min
Ruux kaste oo dareen ahaan daalayoow, way kuu hagaagi doontaa ilaahay idankiisa❤️‍🩹
Marar badan dibad ahaan ama jidh ahaan in aynu u daalno ayaa dhaanta gudo ahaan in aynu u daalno.Jidh ahaan marka aynu u daalno waxa aynu awood u yeelanaa in aynu gama.no, in aynu nasano iyo in aynu jiifka nafis ku dareeno, balse dareen ahaan hadaynu u tacabno’  hurdona inooma dhadhanto, jiifna kuma ladno, dhinaca aynu dhulka iyara dhignaana daalka inagama biiyo, fadhina nafis kuma dareeno.In-badan oo idinka mid ahina waa hubaanti in ay dareemayaan, ama ay hore u dareemeen kolka ay arini ku timid ee ay xalna waayeen, haba ka gudbeene.Xalqadan waxaan jeclaaday in qoraal ka mid ah qoraaladayda aan idinla wadaago haba yaraadee. Ruux-kaste oo daal gudeed, tacab dareen iyo nasiino la.aan gudeed dareemayoow way kuu hagaagi doontaa ilaahay idankiisa.Waan ku jeclahay🧡
Oct 14, 2023
12 min
Waa maxay wacyigu ? | Kala duwanaan-shiyaha qofka ogaalka leh iyo qofka aan ogaalka lahayn|"الوعي "
Wacyigu waa  urursiga khibradeed  ee isku gaadh gaadha ama isku biir biirsada ruuxa gudihiisa. Waa xaalada ay qofka afkaartu  caqligiisa ku kaydsanto, kadib ay afkaartaasi isu gadido khibrad.xalqadan ayaan kaga hadlay qaybo ogaalka quseeya dhagaysi wanaagsan.
Sep 29, 2023
54 min
Dhibaatada dad isla barbar dhiga | comparison problem | Ogaalka ruuxda |
Isla barbar-dhiga dadkuWaa xaalad dahaadh ka saari karaysa qofka bi.ni aadamka ah duwanaan-shiyihiisa, ama quruxda wax-yaalaha uu haystaa ay leeyihiin.Waa marxalad ay tahay inta badan in aynu ka feejignaano, oo aynu la dagaalanno waayo waxa ay inta badan ka xayuubisaa, amaba shakhsiga ka qaadaa dhadhankii iyo macaankii uu ku heli lahaa ama ka heli lahaa intay fursaduhu u saamaxeen iyo wuxuu itaalkiisa taray ee uu awoodiisa qabsaday.Ruux-kaste quruxbaa  gudihiisa ah, hadii uu is aamino.Qof-kastena duwanaan-shiyaa dhexdiisa ah,kolka uu qofba, qofka kale uu u ogolaado in uu duwanaan-shiyihiisa dibada keenana wax-yaabo kala duwan oo qurux badan ayaa ka soo dhex baxaya.Kala duwanaan-shiyahaa wax qurxiya.🌸🧡🌸[ Is aamin oo duwanaan-shiyahaaga dibada keen, dadka kalena u ogoloow duwanaan-shiyahooda in ay dibada keenaan ].
Sep 23, 2023
34 min
Dhibaatooyinka dareemada la kaydsado’ | [Cabir dareenkaaga] Express your feelings and emotions.
Dareen kaste oo aan laysku caabbiyin, laysku celinin, oo dibada hawshiisa laysaga soo saaro waa la illaabaa.Xalqadan waxa aan kaga hadlay  muhiimada ay leedahay in aynu dareenkeena cabirno, muhiimada ay leedahay in aynu tabashadeena isu gudbino, faa.idooyinka laga dhaxlo wax isu tabinta iyo dhibaatada ka timaada hadii aynu dareemada kaydsano, amaba aynu doorano in aynu isku cabudhino wixii aynu dareeno.Is caabinta, dareen isku celinta, ka baqashada in ruux jilicsan lagu moodo hadii aad tabashadaada sheegto, iyo ma ogolaanshiyaha ah dibada in aad keento dareenka hadba cidhiidhyaya laabtaada ayaa sababa in uu dareenka cuslaynaya gudahaagu  sii joogo oo uu wakhti badan kula walaaloobo xal la.aan.
Sep 15, 2023
33 min