Maamul Wanaag
Maamul Wanaag
Somali Public Agenda
Hirgelinta doorasho wakhtigeeda ku dhacda, daah furan, loona dhanyahay
21 minutes Posted Jan 26, 2022 at 4:00 am.
0:00
21:30
Download MP3
Show notes

9-kii January, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa soo saaray heshiis ka kooban 18 qodob oo la xiriira dhameystirka doorashada Golaha Shacabka. Heshiiskaas kadib, waxaa billowday dardargelinta doorashada iyadoo lasoo saaray liiska kuraas badan oo qaarkood la doortay qaarna la filayo in dhawaan la doorto.

Sidoo kale cabashooyin ku aaddan maareynta kuraasta ayaa kasoo yeertay qaar kamid ah musharraxiinta. 

Podcast-gan waxa ay Cabdi Ceynte iyo Mahad Waasuge falanqeynayaan xaaladda hadda ee doorashada, wakhtiga doorashada loo qabtay in lagusoo gebagebeeyo, hufnaanta doorashada iyo suurtagalnimada in doorashada lagu qabto labada deegaan doorasho ee dowlad-goboleedyada. 

Podcast-gan waxa aan iska kaashaneynaa Somali Dialogue Platform (Madasha Wadahadalada Somaaliyeed) oo ah mashruuc uu fuliyo Machadka Rift Valley.

Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!