====== كلمات الحياة" ، "أخبار جيدة" ، "ترانيم الإنجيل" - اللغات الرئيسية المستخدمة في الدولة إذا إريتريا" / "Words of Life", "Good News", "Gospel Songs" - Main Languages Spoken in State if Eritrea======
====== كلمات الحياة" ، "أخبار جيدة" ، "ترانيم الإنجيل" - اللغات الرئيسية المستخدمة في الدولة إذا إريتريا" / "Words of Life", "Good News", "Gospel Songs" - Main Languages Spoken in State if Eritrea======
Eritrea Words of Life
Somali Cibaado Music - "Haye Aan Ammaanno".3gp
2 minutes Posted Dec 15, 2022 at 2:47 am.
0:00
2:49
Download MP3
Show notes
Somali worship music - "Hi That Oman".3gp / 3gp."موسيقى العبادة الصومالية - "هاي أن عمانو //1 KORINTOS 15 - Sarakicidda Masiixa1Walaalayaalow, waxaan idin ogeysiinayaa injiilka aan idinku wacdiyey, oo aad idinkuna aqbasheen, oo aad ku taagan tihiin, 2oo aadna ku badbaaddeen, haddaad xajisaan hadalkii aan idinku wacdiyey, haddaydnan micnela'aan u rumaysan. 3Waayo, markii ugu horraysay waxaan idiin dhiibay waxaan aniguba helay, oo waxa weeye, Masiixu wuxuu u dhintay dembiyadeenna sida Qorniinku leeyahay, 4waa la aasay isaga, oo maalintii saddexaad ayaa la sara kiciyey, sida Qorniinku leeyahay. 5Markaasuu Keeyfas u muuqday, markii dambena laba iyo tobankii. 6Markaasuu wuxuu mar keliya u muuqday kuwo ka badan shan boqol oo walaalo ah, kuwo weli intoodii badnayd ay hadda joogto, laakiin qaar baa dhintay. 7Gortaasuu Yacquub u muuqday, markaas rasuullada oo dhan. 8Markii ugu dambaysayna aniga oo dhicis oo kale ah, ayuu ii muuqday. 9Waayo, anigu waxaan ahay kan rasuullada u liita oo aan istaahilin in loogu yeedho rasuul, waayo, kiniisadda Ilaah baan silcin jiray. 10Laakiin Ilaah nimcadiisa ayaan ku ahay waxaan ahayba, oo nimcadiisii lay siiyeyna wax aan waxtar lahayn ma ay noqon, laakiin anigu waxaan u hawshooday si ka badan dhammaantood, anigase ma aha laakiin waa nimcada Ilaah ee ila jirtay. 11Haddaba ha ahaato aniga ama iyaga, sidaasaannu u wacdinnaa oo idinna u rumaysateen.